Iran oo ka hadashay wada-hadallada ay la leedahay Cumaan

0
180

Warbaahinta dowladda Iran ee IRIB ayaa soo xigatay ilo xog-ogaal ah oo sheegay in wadahadallada u socda Iran iyo Cumaan ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz aysan wax xiriir ah la lahayn Mareykanka.
Sida ay sheegtay ishaasi, wada-hadalladu waxay si gaar ah diiradda u saarayaan arrimaha la xiriira marin-biyoodka Hormuz iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la beeniyay wararka sheegayay in Mareykanku qayb ka yahay wada-xaajoodyada.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan caalamka, maadaama uu maro qayb weyn oo ka mid ah shidaalka laga dhoofiyo Bariga Dhexe, taasoo ka dhigaysa goob si weyn isha loogu hayo marka ay jiraan xiisado gobolka ka taagan.