Mucaaradka oo Ruto Siiyay 14 Maalmood si uu u Soo Bandhigo Heshiiska Warshadda Saliidda Dangote-Lamu

0
84

Xildhibaanka Kiharu, Ndindi Nyoro, ayaa Madaxweyne William Ruto u qabtay 14 maalmood si uu shacabka ugu soo bandhigo heshiiska ku saabsan warshadda sifaynta saliidda ee Dangote, isagoo walaac ka muujiyay hufnaanta heshiiska iyo saameynta uu ku yeelan karo shacabka Kenya.
Nyoro ayaa sheegay in heshiisyada noocan ah ay yeelan karaan arrimo qarsoon oo ay tahay in shacabka Kenya ay ogaadaan. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta inuusan ka jawaabin weerarrada uu Madaxweyne Ruto u jeedinayo, isagoo sheegay in isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee da’da yar ay arrintaas wax ka qaban doonaan.
Dhanka kale, Senator-ka Nairobi Edwin Sifuna ayaa ku baaqay in si cad loo shaaciyo heshiisyada waaweyn ee dowladda, isagoo sheegay in shacabka Kenya ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay ogaadaan ballanqaadyada ay dowladda gasho.
Sifuna ayaa tixraacay Qodobka 35-aad ee Dastuurka Kenya, kaas oo dhigaya in muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan macluumaadka ay dowladdu hayso, isla markaana xogta muhiimka ah ee dalka saameynaysa la daabaco lana shaaciyo.
Waxa uu sheegay in waajibkan uu si gaar ah muhiim u yahay marka heshiisyada dowladda ay ku lug leeyihiin kharashaad maaliyadeed oo waaweyn.
Sifuna ayaa hadalkan ka sheegay isagoo ka jawaabaya doodda ka taagan heshiiska u dhexeeya dowladda Kenya iyo ganacsade Aliko Dangote ee ku saabsan warshadda sifaynta saliidda ee la qorsheeyay in laga dhiso Lamu.
Madaxweyne William Ruto ayaa difaacay maalgashiga, wuxuuna Sifuna u sheegay in heshiiska laga heli karo iyadoo loo marayo baarlamaanka.
Khilaafkan ayaa su’aalaha la xiriira helitaanka xogta iyo kormeerka baarlamaanka ka dhigay kuwo udub dhexaad u ah doodda ku saabsan mashruuca warshadda sifaynta saliidda.