DHEGEYSO:Xildhibaanad Sara Korere oo Taageertay Howlgallada Dowladda ee Ka Dhanka ah Burcadda Xoolaha

0
36

Xildhibaanada laga soo doortay deegaanka waqooyiga Laikipia, Sara Korere, ayaa taageertay howlgallada amni ee dowladda ay ka waddo deegaannada ay ka jiraan falalka burcadda iyo xatooyada xoolaha.
Sara Korere ayaa sheegtay in dowladda ay tahay in lagu taageero dadaallada ay ku doonayso soo celinta nabadda iyo ammaanka, gaar ahaan meelaha ay saameeyeen xatooyada xoolaha iyo weerarrada burcadda hubeysan.
Waxay tilmaantay in iskaashiga dowladda iyo bulshada uu muhiim u yahay wax ka qabashada amni-darrada iyo in dadka ku nool deegaannada ay dhibaatadu saameysay ay helaan amni waara.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu doonayo in lagu xakameeyo falalka burcadnimada iyo xatooyada xoolaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka.