Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dhammaan lacagaha iyo xuquuqda hawlgabka ay tahay in la diyaariyo lana bixiyo 10 maalmood gudahood marka muwaadinku shaqada ka fariisto.
Hadalkan ayuu madaxweyne Ruto jeediyay xili uu maanta hoggaaminayay munaasabadda maalinta macallimiinta aduunka.
Munaasabaddan ayaa lagu maamuusaa macallimiinta iyo doorkooda muhiimka ah ee waxbarashada iyo horumarinta bulshada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in mid ka mid ah shantii guri ee lagu dhisayo Barnaamijka Guryaha La Awoodi Karo loo qoondeeyay macallimiinta.
Ruto ayaa sheegay in macallimiintu ay awood u yeelan doonaan inay lacagta guryaha ku bixiyaan nidaamka mushaharka kaddib heshiis arrintaas ku saabsan oo lala saxiixday Guddiga Adeegga Macallimiinta ee (TSC).
Madaxweyne William Ruto ayaa intaas ku daray in Guddiga Guryaha La Awoodi Karo uu la shaqeynayo Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC) sidii loo hirgelin lahaa nidaamkaas, kaas oo macallimiinta u sahlaya in lacagaha guryaha si toos ah looga jaro mushaharkooda.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Guddiga Adeegga Macallimiinta ee TSC ugu baaqay in tirada macallimiinta la dalacsiinayo laga kordhiyo 34,000 ilaa 50,000.
Dr Ruto ayaa sidoo kale ballanqaaday in dowladda ay bixin doonto dhaqaale dheeraad ah si loo maalgeliyo dalacsiinta tirada badan ee macallimiinta.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in waxbarashada ilmaha aan lagu qiimeyn karin awoodda waalidka uu ku bixin karo kharashka, balse lagu saleeyo kartida iyo awoodda ilmaha ee waxbarashada.




