Kenya oo Diyaarisay Gurmad Qaran oo Looga Hortagayo Fatahaadaha

0
32

Dowladda Kenya ayaa dhaqan-gelisay qorshe qaran oo gurmad ah, kaas oo loogu talagalay in si degdeg ah loo caawiyo shacabka ku nool deegaannada halista ugu jira fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha roobabka xooggan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka ayaa sheegtay in iyadoo la filayo in roobabka El Niño ay maalmaha soo socda ka da’aan qeybo badan oo dalka ah, la diyaariyey hawlgallo baaritaan iyo samatabixin ah oo habeen iyo maalin ah, si wax looga qabto xaalad kasta oo degdeg ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ay heegan buuxa ku jiraan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ilaalada Xeebaha Kenya, Ciidamada Difaaca Kenya, Booliiska Qaranka, Laanqeyrta Cas ee Kenya iyo Adeegga Dhallinyarada Qaranka.
Hay’adahan ayaa si wadajir ah uga shaqeyn doona daad-gureynta dadka ay fatahaaduhu saameeyaan, iyadoo sidoo kale la diyaariyey xarumo loogu talagalay dadka barakaca iyo kuwa u baahan gurmadka.
Dowladdu waxay sheegtay in la sameeyey nidaam diiwaangelin oo mideysan, si loo aqoonsado dadka barakacay, loona dabagalo baahidooda iyo gargaarka ay helayaan.
Haddii daadadku ay gooyaan waddooyinka ama ay waxyeello u geystaan kaabayaasha gaadiidka, dowladda ayaa adeegsan doonta waddooyin kale oo marin ah. Sidoo kale, waxaa la diyaariyey taageero dhinaca duulista ah oo la adeegsan karo marka loo baahdo.
Dhanka caafimaadka, dowladda ayaa xoojisay diyaar-garowga looga hortagayo cudurrada faafa ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo biyaha wasakhaysan. Xarunta Hawlgallada Gurmadka Caafimaadka iyo nidaamka maaraynta xaaladaha degdegga ah ayaa loo diyaariyey inay isku dubbaridaan adeegyada caafimaadka, kormeeraan cudurrada iyo ka hortagga cudurrada biyaha iyo kaneecadu gudbiso.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey sahayda dawooyinka iyo nafaqada carruurta iyo dadka nugul, halka la kordhin doono baaritaanka tayada biyaha iyo qaybinta agabka lagu sifeeyo biyaha.
Sugnaanta cuntada
Dowladdu waxay sheegtay in raashin gargaar ah horay loo sii dhigay 10-ka ismaamul ee mudnaanta la siiyey, kuwaas oo kala ah Tana River, Garissa, Kisumu, Busia, Nakuru, Mombasa, Kilifi, Wajir, Mandera iyo Turkana.
Sidoo kale, waxaa la diyaariyey agab gargaar iyo teendhooyin loogu talagalay xarumaha dadka loo daadgureeyo iyo goobaha ay ku barakacaan dadka ay saameeyaan fatahaaduhu.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in beeraleyda la siin doono talooyin ku saleysan xaaladda cimilada ee deegaan kasta, halka la xoojin doono kormeerka cudurrada xoolaha si looga hortago faafitaankooda.
Dhanka waxbarashada, dowladda ayaa qorsheysay in la qiimeeyo xaaladda dugsiyada ay saameeyaan roobabka iyo fatahaaduhu, iyadoo sidoo kale la ilaalin doono agabka waxbarashada haddii dugsiyada qaarkood loo isticmaalo xarumo lagu dejiyo dadka barakacay.
Dhammaan hawlgallada gurmadka waxaa isku dubbaridi doona Xarunta Qaranka ee Hawlgallada Musiibooyinka, NDOC, si tallaabooyinka heer qaran iyo heer gobol ay u noqdaan kuwo degdeg ah oo wax-ku-ool ah.
Ismaamulada dalka, guddoomiyeyaasha dowlad deegaanada iyo saraakiisha dowladda dhexe ayaa hoggaamin doona diyaar-garowga, gurmadka iyo soo kabashada, iyadoo lala kaashanayo guddiyada maaraynta khataraha musiibooyinka.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in hay’adaha gargaarka bani’aadantinimada ay qorshayaashooda la jaanqaadeen qorshaha dowladda, si looga fogaado isku-dhac iyo in adeegyada muhiimka ah ay meelaha qaar ka maqnaadaan.
Dhanka qaxootiga, hawlgallada xeryaha Dhadhaab, Kakuma iyo Kalobeyei ayaa weli waxaa isku dubbaridaya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, UNHCR, iyadoo la kaashanaysa Waaxda Adeegyada Qaxootiga ee Kenya.
Dowladda Kenya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay si dhow ula socon doonto xaaladda roobabka iyo fatahaadaha, iyadoo qorshayaasheeda gurmadka si joogto ah loo cusbooneysiin doono, iyadoo lagu saleynayo khataraha iyo xaaladaha ka soo kordha dalka.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo hay’adda saadaasha hawada dalka ay ka digtay in meelo ka mid ah dalka ay heli doonaan roob ka badan intii caadiga ahayd bishan Oct ila December.