Moses Kuria oo soo jeediyay in Jaamacada Technical University of Kenya loogu magac daro Raila

0
691

Lataliyihii hore ee dhaqaalaha ee madaxweyne William Ruto, Moses Kuria, ayaa soo jeediyay in Jaamacadda Farsamada ee dalka (TUK) loo bixiyo magaca Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Kuria ku sheegay in Raila Odinga, oo mar bare ka ahaa Jaamacadda Nairobi kulliyadeeda Injineernimada, uu ahaa u doode cimrigiisa oo dhan waxbarashada farsamada, xamaasad ka billaabatay kulliyadda.
Waxaa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Jaamacadda Farsamada ee Kenya (TUK) oo hore loo odhan jiray Kenya Polytechnic, ay markii hore ahayd garabka injineernimada ee Jaamacadda Nairobi, isaga oo iftiimiyay doorkii dheeraa ee ay ku lahayd tababarida Injineerada iyo khubarada farsamada.
Kuria ayaa sheegay in uu codsi u gudbiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada Julius Migos Ogamba si loo bilaabo geedisocodka lagu bedelaayo magaca jaamacada.