Tobaneeyo qof oo baroor diiqayaal ah ayaa Sabtidii lagu dhaawacay xus loo sameeyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan Laanqeyrta Cas ee Kenya.
Goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay dad dhaawac ah oo lagu daweynayo goobta uu shilka ka dhacay ee magaalada Kisumu ee galbeedka dalka.
Labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 160 kalena waa ay ku dhaawacmeen baroordiiqa qaran ee Odinga oo Jimcihii ka dhacay magaalada Nairobi, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.




