Madaxweyne William Ruto ayaa gaaray Jaamacadda Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Jaramogi Oginga Odinga halkaas oo uu uga qeyb galayo aaska qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Amollo Odinga.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa maanta ee magaalada Bondo ku wehliyey Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olúṣẹgun Obasanj.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Fred Matiangi, Madaxii hore ee cadaalada dalka David Maraga ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha gaaray Bondo si ay uga qayb galaan xafladda aaska Raila.
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda.




