Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay in hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu u tartami doono doorashada guud ee sanadka 2027-ka xitaa haddii uu ku guuleysto guddoomiyaha Midowga Afrika ee (AU-da).
Moses Kuria ayaa ku dooday in Mr. Odinga uu iska casili doono xilkaasi, islamarkaana uu ku wareejin doono hoggaamiye kale oo ka soo jeeda dal ka mid Bariga Afrika.
Waxaa uu xusay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu xilka AU-da hayn doona muddo labo sano ah.
Kuria ayaa tilmaamay in madaxa mucaaradka uu mudnaanta siiyo siyaasadda qaranka.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka ayaa dhanka kale taageeray musharraxnimada Raila ee xilka AU.
Kuria ayaa intaasi ku daray in maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu sameyn doona wax kasta oo suurtagal ah, si Raila uu xilkaasi ugu guuleysto.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat lagu wado inuu xafiiska banneeyo bisha Saddexaad ee sanadka dambe.