DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo baaq u diray wakiillada ismaamullada ee Kenya Kwanza

0
99

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wakillada goleyaasha ismaamullada ee ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku boorriyay inay fahmaan qorshaha horumarineed ee dowladda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu dhaqangelin doono waxyaabihii uu kenyaanka u ballan qaaday.
William Ruto ayaa sheegay in aynan kenyaanka cod waydiisan si ay u khiyaamaan.
Xilli uu wakiillada kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayuu ka codsaday in marka ay fahmaan qorshaha horumarineed ee dowladda ay u sharraxaan dadka ay matalaan ee ku nool deegaannada hoose ee wadanka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyaro badan oo kenyaan oo shaqo la’aan ah iyadoo loo maraya guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa.
William Ruto ayaa xusay in ay si joogto ah ula tashanayaan mas’uuliyiinta deegaannada hoose si loo dardargeliyo horumarka guud ahaan dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, guddoomiyaha golaha barasaabyada ee CoG ahna barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru, madaxa aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah , dhigiisa aqalka sare Aaron Cheruiyot iyo mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa muslimiinta ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxaa uu ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan oo ay garab siiyaan qoysaska danyarta ah.