Madaxa xisbiga CCK Moses Kuria ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn uga timid dhiggiisa DCP Rigathi Gachagua.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Gachagua sheegay in Kuria iyo madaxweynaha ay iska kaashadeen faragelinta doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu.
Waxaa uu Gachagua ka dalbaday inuu caddeeyo sidii tartankaasi loogaga guulaystay isagoo aan cidna eedda dusha ka saarin.




