Maxkamadda sare ee dalka oo hakisay in qaar ka mid ah waaxyaha dowladda lagu wareejiyo shirkado gaar ah

0
222

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah loogu hakinaya qorshaha ku aaddan in qaar ka mid ah waaxyaha dowladda dhexe lagu wareejiyo shirkado khaas ah si ay u maamulaan.
Waxaa dacwaddan maxkamadda u gudbiyay xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Garsoore Chacha Mwita ayaa sheegay in aan shirkadaha dowliga ah la iibin karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga iyo go’aaminta qodobbada ay dacwadooda u cuskanayaan garabka mucaaradka.
Amarka ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka ayaa shaqeyn doono ilaa 6-da bisha Labaad ee sanadka 2024-ta.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in kiiska loo gudbiyay uu taabanaya arrimo dastuuri oo muhiim ah oo ay dadweynaha daneynayaan.
Tani ayaa timid ka dib markii wasaaradda maaliyadda ee dalka ay soo saartay liis ka kooban 11 shirkadood oo ay dowladda dhexe leedahay kuwaasoo la doonaya in dhammaadka sanadkan lagu wareejiyo waaxyo gaar ah.
Shirkadahan waxaa ka mid ah midda qaabilsan dhuumaha shidaalka ee (KPC), shirkadda qaran ee shidaalka ee (NOC),Xarunta shirarka caalamiga ee KICC, Warshadda soo saarta bariiska ee Western Kenya Rice Mills, Warshadda caanaha ee KCC, Warshadda dharka ee Rivatex iyo kuwo kale.

Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in qorshahan looga gol-leeyahay in dowladda dhexe uu soo galo dakhli dheeraad ah, in la yareeyo qarashaadka ku baxa maareynta shirkadahan , in fursad la siiyo tartamada ganacsi sidoo kalena waaxyaha gaarka ah laga qayb geliyo kobcinta dhaqaalaha wadanka.