Militariga Israa’iil ayaa shaaciyay in weli gacanta ururka Xamaas ee Qaza ay ku jiraan 137 maxaabiis ah .
Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka ilaa inta laga burburinaya Xamaas oo ay xurriyadooda ka helayaan maxaabiista u xiran.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada Israa’iil ay bartilmaameedsadeen in ka badan 400 oo ka mid ah xarumaha Xamaas halkaasi oo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay xubno ka mid ah ururkan.




