Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 11-ka barqannimo ee maanta ay kulan yeeshaan mas’uuliyiinta wasaaradaha caafimaadka, shaqaalaha iyo ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU.
Shirka ayaa looga arrinsan doonaa shaqo joojin ay dhakhaatiirta sheegeen in ay guud ahaan wadanka ka billaabi doonaan maanta oo Khamiis ah.
Waxaa la filayaa in kulankaasi uu ka soo baxo is-afgarad la xiriira tirada dhakhaatiirta ee ka sii howlgeli doono isbitaallada si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.
In kastoo ay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ay shalay soo saartay amar dhakhaatiirta looga hor istaagaya in ay guda galaan shaqo joojin qaran, haddana mas’uuliyiinta ururka KMPDU ayaa dhankooda sheegaya in aan taasi lagu wargelin.
Home Wararka Kenya Mas’uuliyiinta wasaaradaha caafimaadka iyo shaqaalaha oo kulan la qaadanaya dhakhaatiirta