Guddomiyihii hore ee Maxkamadda Sare David Maraga ayaa ka dhabeeyay hanjabaaddiisii, isagoo soo saaray warbixinta oo dhammaystiran ee Guddiga Qaran ee Dib-u-habaynta Booliska, ku dhowaad saddex sano kadib markii uu u gudbiyay Madaxweyne William Ruto.
Toddobaadkii hore, Maraga wuxuu Madaxweyne William Ruto ku booriyay inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo kan maamulka, isagoo soo saaraya warbixinta uu u gudbiyay 16-kii November 2023. Haddii uusan sidaas samayn, Maraga wuxuu sheegay inuu isagu si toos ah shacabka ugu soo bandhigi doono.
Madaxweynihii hore ee Maxkamadda Sare, oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa dalbaday in si buuxda loo hirgeliyo dib-u-habaynta lagu xusay warbixinta guddiga hawsha booliska.
Maraga, oo guddoomiye ka ahaa guddiga hawsha, ayaa dhaleeceeyay soo bandhigidda dareeska cusub ee booliska ee Jimcihii.
Wuxuu sheegay in dareeska cusub uu durba hareeyay hufnaan la’aan iyo musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadaasi aysan ahayn arrin degdeg ah oo wax ka tari karta dib-u-habaynta waaxda.
Maraga wuxuu sheegay in hirgelinta buuxda ee warbixinta guddiga hawsha ay dowladda ka caawin doonto xaqiijinta madaxbannaanida Adeegga Booliska Qaranka NPS, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka.
Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga United Green Movement ayaa ka digay in adeeg boolis oo dhinac siyaasadeed u janjeera uu dalka ku ridi karo rabshado, isagoo Ruto ugu baaqay inuu dedejiyo hirgelinta talooyinka dib-u-habaynta booliska.
Dhanka kale, Maraga ayaa dhaleeceeyay Taliyaha Guud ee Booliska Douglas Kanja iyo aggasimaha dambi baarista DCI Amin Mohamed, isagoo sheegay inay si sharci-darro ah xilalka uga sii hayaan kadib markii ay gaareen da’da hawlgabka.
Maraga wuxuu Guddiga Adeegga Booliska Qaranka NPSC ugu baaqay inay si degdeg ah u dhaqaaqaan oo ay xayaysiiyaan labada xil ee madaxda amniga, si loo helo hannaan shaqaaleysiin oo tartan iyo caddaalad ku dhisan.
Home Wararka Kenya Maraga oo soo bandhigay warbixinta guddiga dib-u-habaynta booliska, dalbadayna in si buuxda...




