Ciidanka Iran ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan saldhigga diyaaradaha Al Minhad ee Imaaraadka Carabta.
Bayaan ay soo saareen oo ay weriyeen wakaaladaha wararka Iran, waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidanka ayaa sheegtay in tobannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn loo diray saldhigga, laga bilaabo “saacadihii hore ee subaxnimada”.
Ciidanku waxay sheegeen in weerarku bartilmaameedsaday goobihii ay saldhigga ku sugnaayeen ciidamada Maraykanka iyo helikobtarradooda.
Bayaanka ayaa sheegay in weerarku ahaa aargoosi loo sameeyay xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) iyo dad rayid ah oo lagu dilay weerar Maraykanku ku qaaday Jasiiradda Larak ee Iran.




