Guddomiyihii hore ee Maxkamadda Sare David Maraga ayaa tilmaamay khaladaad ka jira hirgelinta talooyinkii uu soo jeediyay Guddiga Qaran ee Hawsha Dib-u-habaynta Booliska, ku dhowaad saddex sano kadib markii uu warbixinta u gudbiyay Madaxweyne William Ruto.
Isagoo maanta ka hadlayay khaladaadka ku jira hirgelinta dib-u-habaynta, Maraga wuxuu sheegay in Taliyaha Guud ee Booliska Douglas Kanja iyo Agaasimaha Dembi-baarista DCI Mohamed Amin ay si sharci-darro ah xilalkooda u hayaan, kadib markii ay dhaafeen da’da loo asteeyay shaqaalaha dowladda.
Sida uu sheegay hoggamiyaha xisbiga UGM, labada mas’uul waxay dhaafeen da’da hawlgabka ee 60-ka sano, iyadoo maamulka Madaxweyne Ruto uu sii waday muddo-xileedkooda.
Wuxuu sidoo kale maamulka ku eedeeyay inuu iska indhatiray dib-u-habayntii lagu xusay guddiga hawsha ee uu hoggaaminayay, isagoo sheegay in dhammaan shuruudihii iyo nidaamyadii sharciga ahaa la jebiyay.
Guddiga hawsha waxaa loo sameeyay inay aqoonsadaan caqabadaha dhinacyada sharciga, siyaasadaha, maamulka, hay’adaha iyo hawlaha shaqo ee saameeya bixinta adeegyada wax-ku-oolka ah ee saddexda hay’adood.
Waxaa sidoo kale loo xilsaaray inay dib u eegaan daryeelka, shuruudaha iyo xaaladaha shaqo ee shaqaalaha hay’adahaas.
Musharraxa madaxtinimada ayaa intaa ku daray in magacaabista saraakiisha booliska ee adeegga dadweynaha aysan ku dhisnayn karti iyo hufnaan, isagoo ku dooday in Xeerka Wax-ka-beddelka Kala-duwan ee Sharciga Amniga ee 2014 uu meesha ka saaray ilaalintii iyo dammaanadihii jiray.
Wuxuu sheegay in magacaabistaasi aysan hoos iman karin awoodda Madaxweynaha, isla markaana magacaabista Agaasimaha Dembi-baarista DCI aysan sidoo kale ahayn inay ku xirnaato Madaxweynaha.
Maraga wuxuu aaminsan yahay in khaladaadkan ay ku dhiirrigeliyeen hay’adaha amniga qaranka inay noqdaan kuwo dhinac siyaasadeed u janjeera, isla markaana ay taageeraan danaha qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadeed, isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’adaha inay waxyeelleeyeen danaha siyaasadeed ee sharciga ah.
Sidaas darteed, madaxweynihii hore ee Maxkamadda Sare wuxuu dalbaday in si buuxda loo hirgeliyo talooyinka guddigii uu hoggaminaye, isagoo ka digay cawaaqib xun xilli waddanku isu diyaarinayo doorashada guud ee 2027.
Waxa uu sidoo kale ku taliyay in dib-u-habayn buuxda lagu sameeyo hay’adaha amniga qaranka, isagoo ku baaqay tartan caddaalad ah iyo in xilalka lagu saleeyo karti iyo mudnaan si loo hagaajiyo nidaamka amniga qaranka.




