Malindi:Laba nin oo lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay haraaga duurjoogta la ilaaliyo

0
91

Maxkamad ku taalla Malindi ayaa laba nin ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay iyagoo haysta haraaga xayawaanka duurjoogta ah ee halista ugu jira dabar-go’a, iyaga oo aan haysan oggolaansho sharci ah.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Nzai Kazungu Nzai iyo Nzai Ruwa Kapombe ayaa waxaa dambiga ku heshay garsoore sare oo qaabilsan maxkamadda, Joy Shiundu Wesonga, taas oo sheegtay in xeer-ilaalintu caddeysay dambiga iyada oo aan wax shaki macquul ah ka jirin.
Maxkamaddu waxay dhageysatay in 17-kii Janaayo 2025, saraakiisha Hay’adda Duurjoogta Kenya ee KWS ay mooto ka dhex qabteen goob shidaal oo Shell ah, meel u dhow dukaanka Naivas ee magaalada Malindi.
Labada nin ayaa kala ahaa darawalka mootada iyo qofkii la socday. Baaritaan lagu sameeyay boorso ay ku siteen, taas oo ku duubnayd bac balaastig ah, ayaa lagu helay sagaal xabbo oo fool maroodi ah oo miisaankoodu ahaa 5.8 kiiloogaraam, isla markaana lagu qiyaasay qiimahooda suuqa 580 kun oo shilin Kenya ah.
Waxaa sidoo kale la helay harag shabeel iyo harag haramcad ah oo lagu qariyay bacda.
Garsooruhu wuxuu sheegay in labada nin ay ku guuldarreysteen inay maxkamadda horgeeyaan dukumentiyo sharci ah oo u oggolaanaya inay haystaan waxyaabaha laga helay duurjoogta, iyadoo maxkamaddu ay diidday difaacooda kadib markii ay qiimeysay caddeymaha la horgeeyay.
Maxkamaddu waxay mid kasta ku xukuntay ganaax dhan 20 milyan oo shilin Kenya ah, iyadoo sheegtay in haddii ay bixin waayaan ganaaxa, ay muteysan doonaan xabsi daa’in.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay amartay in waxyaabaha laga soo qabtay labada nin lagu wareejiyo Hay’adda Duurjoogta Kenya si loogu hayo meel ammaan ah ama loo burburiyo, sida uu sharcigu dhigayo.
Labada nin ayaa haysta muddo 14 maalmood ah oo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka.