Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Kenya iyo hoggaamiyeyaasha dowladda ayaa shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada qaranka, kana gudbaan kala qaybsanaanta qowmiyadaha si loo adkeeyo wadajirka bulshada.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dalka, Aden Bare Duale, ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad aroos ah oo lagu qabtay magaalada Narok, taas oo lagu maamuusayay Sasha Ntutu, gabadha guddoomiyaha ismaamulka Narok, Patrick Ole Ntutu, iyo Victor Musinga, oo ah wiilka garsoore Daniel Musinga.
Mr Duale ayaa sheegay in guurka dhex mara bulshooyinka kala duwan uu door muhiim ah ka qaadan karo xoojinta midnimada iyo isdhexgalka shacabka Kenya.
Waxa uu sidoo kale dowladda ugu baaqay inay hubiso in kheyraadka dalka si caddaalad ah loogu qaybiyo shacabka, iyadoo la raacayo Dastuurka Kenya, isaga oo dadka ku boorriyay inay taageeraan dadaallada Madaxweyne William Ruto ee ku aaddan sinnaanta iyo ka-qaybgalka dhammaan bulshada.
Baaqan waxaa sidoo kale taageeray Wasiirrada Gaashaandhigga, Soipan Tuya, iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Narok, Rebecca Tonkei.




