Afar qof oo ku dhaawacmay dhisme ku dumay bartamaha Nairobi

0
74

Afar qof ayaa ku dhaawacmay, mid ka mid ahna xaaladdiisu ay halis tahay, kaddib markii uu dumay dhisme hore u ahaan jiray naadiga Club Avenida, xilli habeenimo ah laga waday howlo lagu burburinayay dhismaha waddada Moi Avenue ee bartamaha magaalada Nairobi.
Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow dhismaha MKU Union Towers, oo ka soo horjeeda Mageso Chambers, halkaas oo ay ku taallo xarunta ururka kaydka iyo amaahda ee Magereza DT Sacco.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhismaha loo burburinayay si loogu gogol xaaro mashruuc cusub, balse aan weli si rasmi ah loo xaqiijin sababta keentay inuu dumayo.
Booliiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa goobta gaaray, iyagoo bilaabay howlgallo samatabbixin ah, kaddib markii la soo sheegay in dad ay ku hoos xannibmeen burburka dhismaha.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ku dhowaad 25 qof ay ku jireen dhismaha markii uu dumay. Ilaa abaare 1:00-dii habeenimo, dhammaan 25-ka qof ayaa la sheegay in la helay ama la xaqiijiyay halka ay ku sugan yihiin, hase yeeshee gurmad-bixiyeyaashu waxay weli baadi-goobayeen nin la rumeysan yahay inuu ku hoos xannibnaa burburka.
Mas’uul ka tirsan Waaxda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in afarta qof ee dhaawacmay loo qaaday isbitaalka, iyadoo saddex ka mid ah xaaladdoodu deggan tahay, halka qofka afraad uu ku jiro xaalad halis ah.
Dhacdadan ayaa dhalisay walaac ku saabsan badbaadada goobaha dhismayaasha, iyadoo dadweynuhu baraha bulshada ka dalbadeen guddoomiyaha Nairobi, Johnson Sakaja, iyo maamulka ismaamulka inay xaqiijiyaan in lala xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka noqota shilka.
Geoffrey Mosiria, oo ah madaxa waaxda ismaamulka Nairobi u qaabilsan xiriirka bulshada iyo adeegga macaamiisha, ayaa booqday goobta, wuxuuna baarayaasha ugu baaqay inay caddeeyaan in howsha burburinta uu kormeerayay xirfadle aqoon u leh shaqadaas.
Mosiria ayaa sidoo kale horumariyeyaasha dhismayaasha ugu baaqay inay u hoggaansamaan xeerarka jira, isla markaana ay la tashadaan injineerrada ismaamulka marka ay fulinayaan hawlaha dhismaha ama burburinta, si loo ilaaliyo badbaadada shaqaalaha iyo shacabka.