Madaxweyne Ruto oo maanta saxiixay Sharciga Qoondada Dakhliga Dowlad degaannada

0
184

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta saxiixay Sharciga Qoondada Dakhliga Dowlad degaannada (County Allocation of Revenue Act, 2026), kaas oo u qoondeynaya 47-ka dowlad-degaan KSh428 bilyan oo ah saamiga dakhliga qaranka.
Lacagtan ayaa loo qaybin doonaa dowlad degaannada iyadoo lagu saleynayo habraaca qaybsiga dakhliga ee uu ansixiyay dastuurka, kaas oo tixgelinaya qodobo ay ka mid yihiin tirada dadka, heerka saboolnimada, baaxadda dhulka iyo saamiga siman ee degmo kasta.
Dowladda ayaa sheegtay in qoondadan la kordhiyay ay xoojin doonto hannaanka maamul daadejinta, isla markaana ay ka caawin doonto dowlad degaannada inay si hufan u bixiyaan adeegyada bulshada una hirgeliyaan qorshayaashooda horumarineed.