12,720 oo shaqaale caafimaad ah oo la geeyay isbitaalada dalka

0
138

12,720 oo shaqaale caafimaad ah oo tababaran ayaa la geeyay isbitaallo kala duwan oo ku yaal dalka ka dib xaflad ka dhacday Nairobi.
Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aden Duale, dowladdu waxay u qoondeysay 9.3 bilyan oo shilin si loo hirgeliyo barnaamijka, kaas oo ujeedadiisu tahay in la kordhiyo shaqaalaha waaxda caafimaadka iyo in la horumariyo bixinta adeegyada caafimaadka ee dalka.