Madaxweynaha dalkani Kenya, William Ruto, ayaa maanta si si rasmi ah u furay Shirweynaha Caafimaadka dalka ee sanadkan 2026, kaas oo muddo laba maalmood ah ka soconaya Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee KICC, ee magaalada Nairobi.
Shirkan oo halku-dhiggiisu yahay “Dib-u-habeyn la hirgeliyay, Caafimaadkuna waa xuquuq”, waxaa ka qeybgalaya Wasaaradda Caafimaadka, dowlad-goboleedyada dalka, hay’ado caalami ah oo ay ka mid tahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, iyo hal-abuurayaal ka shaqeeya arrimaha caafimaadka.
Shirku wuxuu diiradda saarayaa sidii ballanqaadyada iyo siyaasadaha caafimaadka loogu beddeli lahaa qorshe hawleed si dhab ah loo hirgeliyo, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlad-deegaannada.
Sidoo kale, waxaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha caafimaadka heer qaran iyo heer dowlad-deegaan.
Madaxweyne ku-xigeenka dalka, Kithure Kindiki, Guddoomiyaha Golaha Qaranka Moses Wetang’ula, madaxa wasiirada dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Musalia Mudavadi, Wasiirka Caafimaadka Aden Bare Duale iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha ismaamullada ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shirkan.




