DHAGEYSO:Ndindi Nyoro oo ka baxay UDA kuna biiray mucaaradka

0
10

Xildhibaanka deegaanka Kiharu, Ndindi Nyoro, ayaa si rasmi ah uga baxay xisbiga UDA, isagoo ku dhawaaqay inuu ku biiray mucaaradka, xilli dalka Kenya uu isu diyaarinayo doorashada guud ee 2027-ka.
Nyoro ayaa arrintan ku dhawaaqay Isniintii, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Safari Park ee Nairobi, halkaas oo uu sheegay inuu isaga iyo taageerayaashiisuba ku biireen People’s Party of Kenya.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in go’aankiisa uu ka dambeeyay ku dhowaad hal sano oo wadatashi iyo qiimeyn siyaasadeed ah.
Intii uu wadatashiga ku jiray, wuxuu la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Rigathi Gachagua, Martha Karua, Peter Munya, Fred Matiang’i, Kalonzo Musyoka iyo James Orengo.
Nyoro wuxuu sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo sidii loo heli lahaa jihada siyaasadeed ee uu aaminsan yahay inay dan u tahay shacabka Kenya ka hor doorashada 2027.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xisbiyada mucaaradku ay iska kaashan karaan doorashada soo socota, isagoo sheegay in People’s Party of Kenya ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhinacyada siyaasadeed ee ay isku fikirka yihiin.
Ndindi Nyoro ayaa doorashadii 2022 lagu doortay tigidhka UDA, wuxuuna ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga dhex yaqaanay maamulka Kenya Kwanza.
Munaasabaddii uu ku dhawaaqay go’aankiisa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Siaya James Orengo, Xildhibaan Danson Mwashako iyo Senator Okong’o Omogeni.
Nyoro ayaa sidoo kale sheegay inuu bilaabi doono safarro siyaasadeed oo uu ku tagayo ismaamulo kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Uasin Gishu, Kericho iyo Nandi, si uu shacabka ugala hadlo waxqabadkii dowladda ay doorteen 2022.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Kenya inay People’s Party of Kenya iyo xisbiyada kale ee mucaaradka u tixgeliyaan marka ay qiimeynayaan hoggaamiyeyaasha doonaya inay dalka hoggaamiyaan doorashada 2027-ka.