Guddoomiyaha Golaha baarsaabyada dalka, Ahmed Abdullahi, ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-deegaannada uu door weyn ka qaatay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Ahmed Abdullahi ayaa sheegay in iskaashigaasi uu suurageliyay in shabakadaha adeegga caafimaadka aasaasiga ah ee Primary Care Networks la kordhiyay ilaa 277.
Waxa uu sidoo kale sheegay in 98 boqolkiiba xarumaha caafimaadka dalka lagu daray nidaamka Caymiska Caafimaadka Bulshada ee SHA.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha Caafimaadka Kenya ee 2026 oo ka socda magaalada Nairobi, iyadoo shirka diiradda lagu saarayo dib-u-habeynta nidaamka caafimaadka iyo sidii adeeg caafimaad oo tayo leh loo gaarsiin lahaa shacabka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-deegaannada, si loo sii xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo helitaanka daryeel caafimaad oo loo siman yahay.
Home Wararka Kenya Baarsaabka Wajeer oo sheegay in Iskaashiga dowladda dhexe iyo ismaamullada uu horumariyay...




