In ka badan 620 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo lagu weeraray Moscow

0
23

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in in ka badan 620 diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay habeenkii weerar ku qaadeen magaalada Moscow iyo nawaaxigeeda, taas oo loo arko mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee Ukraine ay muddooyinkii dambe ku qaaday caasimadda Ruushka.
Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ay soo rideen 180 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku wajahnaa gobolka Moscow, intii u dhexeysay fiidnimadii Isniinta iyo 5-tii subaxnimo ee Talaadada.
Sobyanin ayaa sidoo kale sheegay in 17 diyaaradood oo kale la soo riday xilli ay ku sii jeedeen caasimadda Moscow.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in weerarrada ay sababeen xaalad amni oo aad u kacsan, iyadoo ciidamada difaaca cirka ay kordhiyeen howlgallada lagu joojinayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, iyadoo labada dhinac ay sii wadaan weerarrada ay isku hayaan.