Ku-xigeenka madaxweynaha kenya oo ethiopia uga qaybgalaya shirka amniga afrika

0
39

Ku-xigeenka Madaxweynaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa gaaray magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia, halkaas oo uu kaga qeybgalayo madasha heerka sare ee Tana ee looga hadlayo amniga Afrika, taas oo ah markii 12-aad ee la qabto.
Kindiki ayaa Sabtidii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bahir Dar waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed.
Shirka ayaa socda laga bilaabo 23-ka illaa 25-ka Oktoobar, waxaana ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha Afrika, dejiyeyaasha siyaasadaha iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso arrimaha nabadda iyo amniga qaaradda.
Shirkan oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Waddooyinka Nabadda Afrika: Madaxbannaanida Dhaqaalaha iyo Isbeddelka Siyaasadeed ee Caalamka” ayaa diiradda saaraya sidii maareynta khayraadka Afrika, hay’adaha dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka gobolka ay uga qeyb qaadan lahaayeen xaqiijinta nabad waarta.
Ajandaha shirka waxaa sidoo kale ku jira doorka khayraadka dabiiciga ah iyo madaxbannaanida lacagta ee horumarinta warshadaha, maamulka dhaqaalaha guud iyo saameynta dhaqaalaha sharci-darrada ah ku leeyahay xasilloonida gobolka.
Waxaa la filayaa in shirka ay ka qeyb galaan ku dhowaad 250 qof, oo ay ku jiraan madaxweynayaal xilka haya iyo kuwo hore, madax hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dowladaha, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Madasha Tana waxaa soo qabanqaabiya Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Amniga ee Jaamacadda Addis Ababa. Waxay hoggaamiyeyaasha iyo khubarada siisaa fursad ay si aan rasmi ahayn uga doodaan xalalka ay Afrika hoggaaminayso ee wax looga qabanayo caqabadaha amniga qaaradda.
Madashan waxaa la aasaasay sannadkii 2012-kii, kaddib baaqii Midowga Afrika ee 2009-kii, kaas oo lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Afrika ay iyadu hoggaamiso dadaallada nabadda iyo amniga.