Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya, Kipchumba Murkomen oo uu weheliyo Wasiirka Adeegga Dadweynaha Geoffrey Ruku, ayaa faahfaahin ka bixiyay burburka dhisme dabaqyo badan leh oo dhismihiisu ka socday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Wasiirku wuxuu sheegay in xilliga uu dhismuhu dumayay ay goobta ku sugnaayeen 67 shaqaale dhisme, kuwaas oo dhammaantood la helay.
Lixdan iyo lix ka mid ah ayaa si nabad ah uga baxsaday dhismaha, halka hal qof uu dhaawacmay, xaaladdiisuna ay deggan tahay.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in 11 dukaan oo ku yaallay dabaqa hoose iyo qaybta dhulka hoostiisa ay dad ku sugnaayeen xilligii shilku dhacay.
Toddoba qof ayaa la la’yahay, waxaana socda dadaallo lagu soo badbaadinayo dadka laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan burburka. Hawlgallada goobta waxaa hoggaaminaya koox ka kooban ciidamada difaaca Kenya, booliska, maamulka magaalada Nairobi, Adeegga Dhallinyarada Qaranka, Laanqayrta Cas ee Kenya iyo hay’ado kale oo dowladda ah.
Dadka ay eheladoodu ku maqan yihiin shilka ayaa lagu boorriyay inay la xiriiraan Laanqayrta Cas ee Kenya, iyagoo wici kara lambarka gurmadka degdegga ah ee 1199.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in taageero nafsiyeed iyo gargaar kale loo diyaarinayo dadka ay musiibadu saamaysay iyo qoysaskooda. Ugu dambayn, wuxuu xaqiijiyay in baaritaan dhammaystiran lagu samayn doono sababta keentay burburka dhismaha, isla markaana tallaabo lala xisaabtanka ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay mas’uul ka ahayd.
Home Wararka Kenya Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dalka oo fahfaahin ka bixiyay burburka dhismaha...




