Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa xalay u ambabaxay safar uu ku tagaya dalka Belgium ka hor inta uunan u sii gudbin Jarmalka.
Waxaa uu ka qayb geli doonaa kulan caalami ah oo uu marti gelinaya guddiga Midowga Yurub.
Gachagua oo halkaasi ku matalaya madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono shirkadaha ugu waawayn ee iibsada ama suuqgeeya caleenta shaaha iyo qaxwada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wada hadalladan looga gol-leeyahay in la ballaariyo fursadaha ay ka faa’iidaysan karaan ganacsatada soo saara caleenta shaaha iyo qaxwada ee gudaha dalka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa wadanka Jarmalka waxaa uu uga qayb geli doonaa shirar sare loogu qaadaya ganacsiga qaxwada.
Gachagua ayaa xusay inay ka go’an tahay ka dhabeynta ballanqaadkii isbeheysiga Kenya Kwanza ee ahaa taageeridda ganacsatada yaryar sida kuwa caleenta shaaha, qaxwada iyo caanaha.




