Ingiriiska oo 24 milyan oo doolar ugu gargaaraya shacabka Qaza

0
225

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sheegay in xukuumadiisa ay howlaha gargaarka ee la gaarsiinaya shacabka ku dhibaateysan Qaza ku bixin doonto lacag dhan 20 milyan oo Pound una dhiganta 24 milyan oo doolar.
Tani ayaa qiimaha lacageed ee gargaarka uu Ingiriiska u ballanqaaday Qaza laga soo billaabo 7-dii bishan Oktoobar ka dhigaysa £30 milyan oo Pound.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii boqortooyada Ingiriiska ay ballanqaadday 10 milyan.