Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Nageria

0
493

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku biiray liiska hoggaamiyeyaasha u tacsiyeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria geeridii ku timid hogaamiyihii hore ee Nigeria Muhammadu Buhari.
Buhari ayaa geeriyooday fiidnimadii xalay isagoo 82 jir ah, ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.
Madaxweyne Ruto ayaa dhimashadii Buhari ku tilmaamay mid dharbaaxo ku ah shacabka Nageria iyo guud ahaan qaarada Africa.
Madaxweyne Ruto waxa uu ku amaanay Buhari inuu ahaa hogaamiye ay ka go’need la dagaallanka musuqmaasuqa Afrika iyo sidoo kale horumarinta hindisayaasha amniga ee heer gobol iyo taageerada isdhexgalka dhaqaale ee qaaradda.