Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Nairobi ayaa ku eedeeyay barasaabka caasimada dalka Johnson Sakaja xaalada caafimaad ee liidata taasi oo ka jirta magaaladatan Nairobi.
Ururka ay ku mideysan yihiin saraakiisha caafimaadka ayaa ku baaqay dibad bax maalinta Arbacada ah si ay u garab istaagaan in ka badan 500 oo sarkaal oo shaqo joojin ku jiray ku dhawaad saddex bilood, balse guddoomiyaha ayay ku eedeeyeen in taasi uu walaac ka qabin.




