Maareeyihii maaliyadda ee shirkadda xiriirinta korontada ee REREC oo la xiray

0
387

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay Noah Oluoch oo ah maareeyihii hore ee waaxda maaliyadda iyo ICT-da ee shirkadda qaabilsan in adeegga korontada la gaarsiiyo degmooyinka iyo tamarta la cusbooneysiin karo ee REREC.
Waxaa loo haystaa inuu adeegsaday shahaado waxbarasho oo been abuur ah oo uu shirkaddan shaqo uga helay.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jira saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee EACC ka hor inta aan maxkamadda Milimani la soo taagin.
EACC ayaa laga soo xigtay in shirkadda REREC ay ka mid tahay kuwa ay saameeyeen falalka isticmaalka shahaadooyinka faaliska ah.