Dab saameeyay labo ka mid ah qaybaha jiifka ee dugsi ku yaalla Machakos

0
447

Waxaa uu dab khasaare gaystay qabsaday labo ka mid ah qaybaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee wiilasha ee Masii ee ismaamulka Machakos.
Waxaa halkaasi ku burburtay hanti aan weli qiimaheedu la caymin.
Waxaa dhacdadan xaqiijisay taliyaha booliiska ee deegaanka Mwala Nancy Jerobon.
Taliyaha ayaa sheegtay in dabka uu xarumahan ka kacay daqiiqado un ka dib abaare 7-dii fiidnimo ee xalay.