Maandooriye lagu qabtay dowlad deegaanka Migori

0
56

Saraakiisha fulinta sharciga ee ka hawlgala Degmada Rongo ayaa si weyn u ilaalinaya nin ku soo dhaawacmay shil xili lagu helay maandooriye xashiish ah.
Gaari xamuul ah oo uu kaxaynayay oo shil ku galay ismaamulka Migori ayaa laga dhex helay xashiish qiimihiisu yahay qiyaastii Sh34.1 milyan.
Tuhmanaha oo lagu magacaabo Samson Ayiera Chacha oo 52 jir ah, ayaa lagu daaweynaya isbitaalka Migori isagoona si weyn loo ilaalinayo.
Chacha ayaa dhaawac daran ka soo gaaray shilka waxaana badbaadiyay dadka deegaanka .
Baabuurkiisa ayaa loo jiiday Saldhigga Booliska Kamagambo, halkaas oo, markii la baaray, lagu ogaaday inuu siday daroogada xashiishka.
Saraakiisha La-dagaallanka Mukhaadaraadka ee ku sugan Isebania ayaa loo yeeray si ay u xoojiyaan baaritaanka, waxaana la xaqiijiyay in gaariga xamuulka ah uu siday 1,137.8 kiilogaraam oo xashiish ama bangi ah.
Iyada oo darawalku uu hadda ku jiro isbitaalka Migori, waxaa lagu wada in maxkmadda la soo taago.