Labo qof oo lagu xiray Nairobi sababo la xiriira khiyaano dhul oo gaarayso 160 milyan

0
119

Laba qof ayaa lagu xiray magaalada Nairobi ka dib markii lagu eedeeyay kiisyo kala duwan oo khiyaano dhul ah oo gaaraya hanti malaayiin shillin ah.
Kiiska koowaad, nin 60 jir ah oo lagu magacaabo David Ndegwa Mwangi ayaa lagu xiray tuhun ah inuu si khiyaano ah u helay waraaqo lahaansho dhul oo ku saabsan saddex dhul oo qiimo sare leh oo ku yaalla xaafadda Countryside Villa Estate ee waddada Muthaiga Drive. Dhul kasta waxaa lagu qiyaasay qiyaastii 45 milyan oo shillinka dalka ah.
Baaritaannada ayaa muujinaya in milkiilaha dhabta ah uu sheegay in Mwangi iyo dad kale oo weli baxsad ah ay isku dayeen inay xoog ku sheegtaan dhulka, iyagoo adeegsanaya dukumentiyo la tuhunsan yahay inay been abuur yihiin, inkastoo milkiilaha uu haysto waraaqaha rasmiga ah ee lahaanshaha.
Kiis kale, Cabdul Xasan Tahalil ayaa la xiray, isagoo ah agaasimaha shirkadda Skyline Works Ltd, ka dib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay dukumentiyo been abuur ah si uu si sharci darro ah ugu hantiyo dhul qiimihiisu yahay 25 milyan oo shillin oo ku yaalla xaafadda Islii.
Baaritaannada ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ay jirto isku xirnaan kooxeed oo ku lug leh sameynta iyo adeegsiga dukumentiyo been abuur ah, iyadoo eedeysanayaasha la filayo in maxkamadda la soo taago ka dib oggolaanshaha xeer ilaalinta.