Guddiga Baarlamaanka oo ka digay maamul xumo iyo nusqaan ka jira habraacyada wax iibsiga ee jaamacadaha iyo machadyada TVET

0
39

Guddiga Maalgashiga Dadweynaha ee Arrimaha Maamulka iyo Waxbarashada ee Baarlamaanka ayaa ka digay khaladaad baahsan oo ka jira hay’adaha waxbarashada sare, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, isla xisaabtanka, iyo u hoggaansanaanta shuruucda wax iibsiga iyo shaqaaleysiinta. Guddiga ayaa xusay in ay jiraan isku dheelli tir la’aan qowmiyadeed oo ka jirta shaqaalaha iyo maamul xumo maaliyadeed.
Baaritaan lagu sameeyay jaamacado iyo machadyo farsamo ayaa muujiyay dhibaatooyin nidaamsan, oo ay ka mid yihiin xilal si ku meel gaar ah loo hayo muddo ka badan inta la oggol yahay, iyo in aan la tixgelin dadka naafada ah marka la shaqaaleysiinayo. Jaamacadda Teknolojiyadda Dedan Kimathi ayaa tusaale u noqotay arrimahan, iyadoo inta badan shaqaalaheedaa ay ka soo jeedaan hal beel.
Sidoo kale, hay’ado kale sida Machadyada Farsamada ee Qaranka eek u yaalla ismaamullada Nyeri iyo Nyandarua ayaa lagu helay khaladaad la xiriira maaliyadda iyo qaab dhismeedka shaqaalaha, oo ay ku jiraan lacag aan la soo celin iyo maqnaanshaha waraaqaha lahaanshaha dhulka. Hay’ado kale ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay adeegsadaan tababarayaal aan shati haysan isla markaana aysan lahayn shaqaale naafonimo leh.
Guddiga ayaa ku boorriyay hay’adahaas inay si degdeg ah u saxaan khaladaadka jira, u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka, isla markaana xoojiyaan ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada. Waxaa uu sidoo kale ka digay in cid kasta oo ku guuldareysata ay wajihi doonto tallaabooyin iyo kormeer dheeraad ah oo ka yimaada Baarlamaanka.