Diyaarad nooca Embraer ah oo ay leedahay shirkadda EBB Air, isla markaana ku jirtay safarka Mandheera ilaa Nairobi, ayaa ka baxday waddada diyaaradaha ee Garoonka Mandheera, iyadoo markii dambe ku istaagtay meel geedo leh. Diyaaradda ayaa siday 36 qof.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ee ku sugnaa garoonka ayaa si dhaqso leh u bilaabay howlgal samatabbixin ah, iyagoo ka soo saaray rakaabkii ku xayirmay gudaha diyaaradda, ka hor inta aan la xaqiijin ammaanka goobta.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Mandheera, Robinson Ndiwa, oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa sheegay in aan wax dhaawac ah ama khasaare naf ah la soo sheegin.
Dhacdadan ayaa imaneysa iyadoo marar dhowr ah ay soo kordheen walaacyo la xiriira badqabka duulimaadyada gudaha dalka.
Home Wararka Kenya Diyaarad ka baxday waddada diyaaradaha ee Garoonka Mandheera iyadoo aan wax khasaare...




