Wasiiradda wasaaradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika , horumarinta gobollada iyo deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs, Peninah Malonza ayaa shir guddoomisay kulan lagu eegayay halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee laga fulinaya ismaamulladan.
Waxaa shirka ka qayb galay xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddan Kello Harsama iyo madaxda fulinta ee maamullada horumarinta gobollada dalka ee loo yaqaano (RDAs).
Malonza ayaa qoraal ku sheegtay inay mas’uuliyiintan ku adkeysay inay waajibaadkooda shaqo uga soo baxaan sida laga doonaya.
Waxay hoosta ka xarriiqday in haddii maamullada horumarinta gobollada ay si dhow u wada shaqeeyaan in horumar la gaarsiin karo deegaannada oomanaha.
Sidoo kale wasiiradda ayaa la kulantay agaasimaha barnaamijka cunnada adduunka ee WFP laantiisa Kenya Lauren Landis.
Waxay isla eegeen dhinacyada ay iska kaashan karaan si loo xalliyo cunno yarida ka jirta deegaannada ASALs sidoo kalena loo xoojiyo u adkeysiga dhibaatooyinka ee bulshada.
Wasiiradda ayaa sheegtay inay WFP kala hadashay sida shacabka ku nool deegaannada xoola dhaqatada looga dhigi lahaa kuwo isku filan dhanka soo saaridda cunnada.
Hay’adda WFP ayaa muddo Kenya ka caawinaysay dhanka cuntada si gaar ah wanaajinta xaaladaha nololeed ee in ka badan 1.6 milyan oo qof oo ku nool 12 ka mid ah ismaamullada wadanka.




