Waxaa lagu soo warramayaa in weerarro laga gaystay gobolka Koonfureed ee Guerrero ee dalka Mexico in lagu dilay 16 qof oo ay ka mid yihiin ciidamada booliiska.
Waxaa weerarrada gaysatay koox aan weli haybteeda la aqoonsan.
Dacwad oogaha dalkaasi Alejandro Hernandez ayaa sheegay in kooxda ay bartilmaameedsatay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen saraakiisha amniga.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in la dilay 11 sarkaal oo booliis ah.
Waxaa uu dacwad oogaha intaasi ku daray in la baaraya sababta keentay in kooxda ay weerarradaasi fuliso.
Gudaha dalka Mexico waxaa ku badan ka ganacsiga daroogada oo ay ciidamada ammaanka si wayn ula dagaallamaan.
Tan iyo markii ay dowladda dalka Mexico sanadkii 2006-dii howlgelisay ciidamada difaaca inay wax ka qabtaan caqabaddan ayaa waxaa la dilay in ka badan 420,000 oo qof .
Sidoo kale tan iyo sanadkii 1962-dii waxaa Mexico laga diiwaangeliyay in la waayay 110,000 qof iyadoo falalkan lala xiriiriyay ururrada gaysta falal dambiyeedyada.




