KRA oo garoonka JKIA ku qabatay 52 taleefan iyo saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn

0
139

Hay’adda Canshuuraha Kenya ee KRA ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ku qabatay 52 taleefan oo dib loo hagaajiyay iyo saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn ee loo yaqaano Drones , kuwaas oo la sheegay in la doonayay in dalka lagu soo geliyo iyadoo laga baaqsanayo baaritaannada kastamka.
KRA ayaa sheegtay in saraakiisha kastamku ay alaabtan qabteen xilli ay baarayeen rakaabka dalka soo galayay, kaddib markii ay arkeen shaqaale nadaafadeed oo sidda laba boorso oo madow, iyadoo ka baxaysa qeybta rakaabka.
Sida ay hay’addu sheegtay, shaqaalaha ayaa isku dayday inay baxsato markii ay aragtay saraakiisha, balse waa la qabtay si su’aalo loo weydiiyo.
Baaritaan lagu sameeyay boorsooyinka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen rakaabkii iyo shaqaalihii, ayaa lagu helay 52 taleefan oo dib loo hagaajiyay, saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn, qalabkooda hagista, baytariyo iyo agab kale.
Qalabka la qabtay waxaa ka mid ahaa laba diyaaradood oo nooca DJI Mini 3 Pro ah iyo mid DJI Air 25 ah, iyo sidoo kale qalabkooda hagista iyo agabka la socda.
Alaabta kale ee la helay waxaa ka mid ahaa xargaha lagu dallaco taleefannada, qalabka korontada safarka, fiilooyinka USB-ga iyo waxyaabo kale oo shaqsiyeed.
KRA ayaa sheegtay in alaabta lagu wareejiyay bakhaarka kastamka, halkaas oo lagu hayn doono inta laga gaarayo tallaabada xigta.
Hay’addu waxay sidoo kale xusuusisay dadka safarka ah iyo ganacsatada in soo dejinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kenya ay xaddidan tahay, isla markaana ay u baahan tahay oggolaanshaha Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee KCAA.
KRA ayaa ugu baaqday dadka dalka keenaya qalabkan inay marka hore hubiyaan shuruucda iyo oggolaanshaha looga baahan yahay, si looga fogaado jebinta xeerarka kastamka iyo kuwa duulista.