Afar qof oo lagu qabtay hilib duurjoog ah oo sharci-darro ah gudaha Laikipia

0
78

Booliiska dalka ayaa xiray afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay haysteen hilib duurjoog ah oo miisaankiisu yahay 38.6 kiiloogaraam, kaddib howlgal amni oo laga fuliyay ismaamulka Laikipia.
Howlgalka oo dhacay maanta oo Sabti ah, 17-ka Oktoobar 2026, waxaa fuliyay saraakiil ka tirsan saldhigga booliiska ee Matanya, iyagoo kaashanaya hay’adaha kale ee ammaanka.
Afarta qof ee la xiray ayaa laga kala soo qabtay deegaannada Weru-ine, Matanya Centre, Waguthiru iyo Mitero. Waxaa la dhigay xabsiga, iyadoo la sugayo in la dhammaystiro baaritaannada laguna horgeeyo maxkamadda.
Adeegga Booliiska Qaranka Kenya ayaa shacabka xusuusiyay in haysashada, ka ganacsiga iyo cunista hilibka duurjoogta ay mamnuuc ka yihiin shuruucda dalka.
Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in ugaarsiga sharci-darrada ah iyo ka ganacsiga waxyaabaha laga helo duurjoogta ay waxyeello u geystaan dadaallada lagu ilaalinayo duurjoogta, isla markaana ay leeyihiin ciqaabo sharci oo culus.
Ugu dambayn, booliisku waxay shacabka ugu baaqeen inay feejignaadaan oo ay saldhigga booliiska ee ugu dhow ku wargeliyaan fal kasta oo looga shakiyo ugaarsi sharci-darro ah ama ka ganacsiga duurjoogta.