47 qof oo la la’yahay ka dib dhismihii ku dumay xaafadda Islii

0
111

Hay’adda laanqeyrta cas ee dalka ayaa sheegtay tan iyo markii uu dumay dhsima ku yaalla xaafadda islii la soo tabiyay kiisas gaaraya ilaa 47 qof oo dad la’ layahay taasi oo laga cabsi qaba in dad badan ay ku hoos jiraan dhismaha guddumay wadada sagaalaad.
Hay’addo kala duwan ayaa wali ku hawlan samatabixinta dadbka ku hoos jira burburka guriga.
Adeegga Booliska Qaranka Kenya ayaa sheegay in afar qof laga soo badbaadiyey dhisme dabaqyo badan leh oo dhismihiisu socday, kaas oo ku dumay waddada 9-aad ee xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, Jimcihii 23-kii October 2026.
Booliska ayaa sheegay in dadka la soo badbaadiyey la geeyey isbitaalka, halkaas oo ay ku helayaan daryeel caafimaad.
Hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa weli socda, iyadoo boolisku ay taageerayaan kooxaha gurmadka ee goobta ka hawlgalaya.
Qoysaska ay ka maqan yihiin ehelkoodu ayaa lagu wargeliyey inay la xiriiraan miiska Laanqayrta Cas ee Kenya oo laga sameeyey goobta shilka, ama ay wacaan lambarka gurmadka degdegga ah ee 1199.