Dowlad deegaanka Kisumu ayaa xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee caabuqa MPOX, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Caafimaadka ee Kisumu, Dr. Gregory Ganda.
Sida laga soo xigtay Dr. Ganda, bukaanka ayaa ah nin 42 jir ah oo ka soo safray Suudaanta Koonfureed oo bilaabay inuu dareemo astaamo isagoo weli ku sugan magaalada Juba.
Kadib waxaa uu ka safray magaalada xuduudka ee Busia isagoo soo gaaray Kisumu Talaadadii, 19-kii November isagoo ku safray baska shirkadda Simba.
Bukaanka ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee Kisumu isla maalintaas isagoo halkaas lagu siinaayo daryeel caafimaad. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegeen inay hadda xaaladdiisa deggan tahay.
Dr. Ganda ayaa ku boorriyay qof kasta oo ku safray isla baskaas waqtiga la sheegay inuu isla markiiba raadsado qiimeyn caafimaad haddii ay yeeshaan calaamado la xiriira MPOX.
Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in afar qof oo xiriir dhow la lahaa bukaanka horey loo aqoonsaday oo la kormeerayo. Dowladda ismaamulka ayaa xoojisay dadaallada la socodka ee dhammaan xarumaha caafimaadka si loo taageero ogaanshaha hore iyo ka hortagga faafitaanka caabuqa.
Home Wararka Kenya Kisumu oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee MPOX, iyadoo soo saartay digniin...




