Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda Kenya aynan wax qarash ah ku bixinayn qorsha ay 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska ku gaynaysa wadanka Haiti.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qarashaadkan ay bixin doonto qaramada midoobay.
Iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay arrinkan walaac ka muujinayaan ayuu dhanka kale Kindiki sheegay in tallaabadan aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin ilaalinta shacabka iyo hantidooda ee gudaha dalka.
Waxaa uu tilmaamay in bartilmaameedsiga ka dhanka ah burcadda , argagixisada iyo dambiilayaasha kale ee hubeysan uu sii socon doono iyadoo ay dowladdu isku dheellitiraysa waajibaadkeeda qaran iyo kani caalamiga ah.
Isniintii hore ayay ahayd markii ay maxkamadda sare ee dalka soo saartay amar lagu hor istaagay in ciidamada Kenya la geeyo dalka Haiti si ay qayb uga noqdaan howlaha nabad sugidda ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwado ay gudbiyeen xisbiga Thirdway Alliance iyo labo koox oo kale.
Dalka Haiti ayay rabshado ka taagnaayeen tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo la dilay madaxweyne Jovenel Moïse.
Xogta qaramada midoobay ayaa muujinaysa in tan iyo billowgii sanadkan , shaqaaqooyinka Haiti lagu dilay in ka badan 2,400 oo ruux.




