DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in la xoojinaya amniga Narok

0
234

Ku xigeenka madaxweynaha dalka ,Rigathi Gachagua ayaa shacabka ku nool aagga Lolgorian ee Kilgoris oo ka tirsan ismaamulka Narok u xaqiijiyay in la adkeyn doono amniga.
Tani ayaa timid ka dib falal amni darro oo halkaasi laga soo tabiyay.
Gachagua ayaa magaalada Kilgoris ka sheegay in ciidamada ammaanka la siin doono baabuur si loogu fududeeyo gudashada waajibaadkooda shaqo.