Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool dalka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan tallaabada uu maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA uu ku kordhiyay qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka.
EPRA ayaa shaacisay in qiimahan cusub uu shaqeyn doono laga billaabo 15-ka bishan ilaa 14-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Bayaanka maamulka EPRA waxaa ku cad in qiimaha nooca batroolka ee loo yaqaano Super Petrol lagu kordhiyay 8.79 shilin halkii liitar , naaftada ama Diesel-ka waxaa liitarkii lagu kordhiyay 16.12 shilin halka Kerosene lagu kordhiyay 12.05 shilin liitarkii .
Kenyaanka dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa arrinkan walaac ka muujiyay waxayna sheegeen in tani ay sare u sii qaadaysa sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro.




