Dowladda Kenya ayaa ku baaqday in la dedejiyo hirgelinta Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyadoo sidoo kale dalalka Afrika ugu baaqday inay meesha ka saaraan caqabadaha aan canshuuraha ahayn iyo in la fududeeyo isu-socodka ganacsatada iyo xirfadlayaasha qaaradda.
Madaxa golaha wasiirada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba-joogta Musalia Mudavadi, oo wakiil ka ahaa Madaxweyne William Ruto, ayaa arrintan ka sheegay shirkii 8-aad ee Isuduwidda Midowga Afrika, kaas oo ka dhacay Alamein, Masar.
Mudavadi ayaa sheegay in is-dhexgalka Afrika uu muhiim yahay in uu si toos ah faa’iido ugu yeesho shacabka qaaradda, isla markaana ballanqaadyada la sameeyo ay u baahan yihiin in loo beddelo natiijooyin muuqda.
Waxa uu xusay in dedejinta hirgelinta aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ay gacan ka geysan karto yaraynta caqabadaha ganacsiga, fududeynta isu-socodka ammaan ah ee ganacsatada iyo maalgashadayaasha Afrika, iyo in la ballaariyo suuqyada ay galaan wax-soo-saarka Kenya.
Sida uu sheegay Mudavadi, tallaabooyinkan ayaa sidoo kale xoojin kara warshadaha gobolka, fududeyn kara xiriirrada ganacsi, isla markaana abuuri kara fursado badan oo ay helaan ganacsatada iyo xirfadlayaasha da’da yar ee Afrika.
Intii uu shirku socday, Kenya waxay soo dhaweysay Bayaanka Shirka, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo isku-duwidda hay’adaha Afrika, lagana fogaado is-dulsaarka shaqooyinka, si ballanqaadyada qaaradda loogu beddelo natiijooyin la taaban karo.
Dhanka nabadda iyo amniga, Kenya waxay sidoo kale soo dhaweysay heshiiskii Midowga Afrika iyo Ururrada Dhaqaalaha Gobolka ee sanadkan 2026 ee ku saabsan Ciidanka Heeganka Afrika.
Mudavadi ayaa sheegay in Afrika isku-dhafan ay tahay in ay noqoto qaarad nabdoon oo u adeegta shacabkeeda, iyadoo fulinaysa ballanqaadyadii loo sameeyey muwaadiniinta.
Home Wararka Kenya Kenya oo ku baaqday dedejinta Is-dhexgalka Dhaqaalaha iyo Hirgelinta Ganacsiga Xorta ah...




