Kenya iyo Maraykanka oo xoojinaya xiriirkooda ganacsi

0
229

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa sheegay in ay ka wada go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhexeeya.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo gabagabeeyay wareegga Shanaad ee wada xaajoodyada istaraatiijiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga ee Kenya iyo Maraykanka ee (STIP).
Waxaa wada hadalladan hoggaaminaya wakiilka ganacsiga ee Maraykanka Katherine Tai iyo wasiiradda Kenya ee ganacsiga , maalgashiga iyo warshadeynta Rebecca Miano.
Wasiirad Miano ayaa sheegtay in labada dhinac ay guulo muhiim ah ka gaareen dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin la dagaallanka musuqmaasuqa, kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee (MSMEs), adeegyada xakameynta ee maxalliga ah iyo beeraha.
Waxay carrabka ku adkeysay in labada dowladood ay ka wada shaqeynayaan sidii looga hor tagi lahaa laaluushka iyo qaababka kale ee musuqa , awoodsiinta ganacsiyada iyo xaqiijinta in dadka ama shirkadaha adeegyada bixiya loola macaamilo si ay cadaalad iyo daahfurnaan ku dheehan tahay.
Kenya iyo Maraykanka ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ay sii wadaan wada xaajoodyada sare loogu qaadaya maalgashiga , in kobaca dhaqaale uu noqdo mid waara oo loo dhan yahay , in shaqaalaha ay faa’iidaan sidoo kalena la taageero isdhexgalka dhaqaale ee gobollada qaaradda Afrika.
Wareegii hore ee wada hadallada ayaa intii u dhexeysay 2-dii ilaa 12-kii bishii Afaraad ee sanadkan lagu qabtay magaalada Washington, DC ee Maraykanka wuxuuna wareegga xiga ee wada xaajoodyada qabsoomi doonaa bisha 6-aad ee sanadkan.