DHAGEYSO:Ismaamulka Kajiado oo laga xusay maalinta adduunka ee Shinnida

0
223

Waxaa ismaamulka Kajiado ee gobolka Rift Valley laga xusay maalinta adduunka ee Shinnida ee caalamka looga dabbaal dego 20-ka bisha Shanaad ee May sanad kasta.
Xoolo dhaqatada dowlad deegaanka Kajiado oo ururro sameystay ayaa hadda xoogga saaraya dhaqashada Shinnida si ay uga macaashaan wax soo saarkeeda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay xoolo badan ku waayeen abaarta taasina ay saameysay nolol maalmeedkooda.
Wasaaradda beeraha ee ismaamulka Kajiado ayaa laga soo xigtay in boqolkiiba in ka badan 20 ee shacabka ay hadda ku howlan yihiin dhaqashada shinnida iyagoo ganacsigan ka qabo rajo wanaagsan in kastoo ay jiraan caqabado ay wajahayaan sida ay sheegeen qaar ka mid ah oo warbaahinta u warramay.